Shirkada Dahabshiil Oo 2 Milyan Ugu Deeqday Dadkii Ku Waxyeeloobay Dhul-gariirkii Turkiga Ee Suuriya.

0

Shirkadda xawaaladaha ee Dahabshiil ayaa ku biirtay shirkadaha kale ee gurmadka u fidinaya dadkii ku waxyeeloobay dhulgariirkii ku dhuftay dalalka Turkiga iyo Suuriya.

Shirkadda Dahabshiil ayaa laba milyan oo Liiraha Turkiga ugu deeqday Hay’adda Maareynta Masiibooyinka iyo Gurmadka degdegga ah ee dalka Turkiga, AFAD Baskanlik.

Shirkaddu waxay sheegtay inay muujinayso garab istaagga Afrika ee dawladda iyo shacabka Turkiga.

Dahabshiil waxa ay sheegtay in shirkadda iyo shaqaalaheeda ku kala sugan daafaha caalamka ay u ducayn doonaan dawladda iyo shacabka Turkiga, gaar ahaan dadkii ku waxyeeloobay dhul-gariirkii.

SomalilandVoice.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *