Shiinaha oo Qiimaha Dameeraha Soomaaliya kor u qaaday.

0

Sanadihii la soo dhaafay, waxaa ka jirtay dalka Shiinaha baahi weyn oo hargaha dameeraha ah. Hargahan ayaa loo isticmaala in laga sameeyo dawooyinka qadiimiga ee Shiineyska nooca la yidhaahdo ejiao.

Ejiao waxay ka samaysan tahay “kolajin” oo laga soo saaray hargaha dameeraha oo lagu walaaqay geedo iyo waxyaabo kale si loo abuuro daawooyin. Waxaa la rumeysan yahay inay leedahay waxyaabo xoojiya dhiigga, joojiya dhiigbaxa oo wanaajiya tayada dareeraha muhiimka ah iyo hurdada labadaba.

Ejiao waxa lagu iibiyaa ilaa US$783 kiilo, halka suuqa Shiinahana uu ka kacay ilaa US$3.2 bilyan 2013 ilaa $7.8 bilyan, waana dawo mararka qaarkood ay qoraan dhaklhaatiirtu lana geliyo caymis.

Baahida loo qabo ejiao ayaa horseeday yaraanta dameeraha ee Shiinaha iyo sii korodhka baahideeda khaasatan wadamada Afrika.

Afrika ayaa hoy u ah tirada ugu badan ee dameeraha adduunka: tirakoob la sameeyey 2020kii, qiyaastii saddex-meelood laba meel dameeraha adduunka ku nool, 53 milyan, ayaa lagu qiyaasay inay ku noolyihiin Afrika. Tirooyinka saxda ah ee hargaha loo dhoofiyo Shiinaha lama heli karo sababtoo ah ganacsiga sharci darrada ah ee sii kordhaya.

Suuqan cusub ee ka ganacsiga dameeraha wuxuu saameyn wayn ku yeeshay dalal badan oo Afrika ah, gaar ahaan marka la eego saamaynta uu ku leeyahay bulshooyinka saboolka ah. Dameeruhu waxay leeyihiin door qadiimi ah oo qiimo leh oo ah gaadhi-shaqo. Dameeraha Soomaaliya oo lagu sheego inay yihiin kuwa ugu faca wayn dameeraha aduunka ayaa loo cabsi qabaa in dalabkan xoogan ee ka yimid Shiinuhu uu ku keeni karo dabar go’.

SomalilandVoice.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *