October 3, 2024

Deg-Deg: Xamar oo Qarax Siyaadeed Qarka u Saaran.

0

Madaxda Mucaaridka Muqdisho oo u hormood u yahay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Mudane Sheekh Shariif ayaa shirar isdaba jooga ku leh guryahooda dhexdooda ka dib markuu u soo hanjabay Madaxweyne Xasan Sheekh.

Cabsidan xoogan ee la soo gudboonatay Madaxda mucaaridka ayaa timid ka dib markuu Xasan Sheekh ugu soo hanjabay inuuu saqda dhexe guryahooda ugu soo dhici doono hadaanay sida ugu dhakhsaha badan ku keenin hubka ay sharci darada ku haystaan.

Xasan sheekh oo lagu yaqaan ka fiirsasho la’aan iyo ismaqiiq hore ayaa kelifay inay Madaxda mucaaridku rumaystaan hanjabaadiisa.

Siyaasiyiinta mucaaridka ayaa isla markiiba bilaabay inay hubkooda kuwii ugu cuslaa guryahooda kusoo wareejiyaan iyagoo isu diyaarinaya ka hor tag dagaalkasta oo kaga yimaada dhinaca maamulka ina sheekh.

Qaar ka mid ah siyasiyiinta oo qawadsanaaa awooda hubkooda ayaa la sheegayaa inay dhawaaq degdega ugu direen asxaabtooda dowladaha deriska si ay hub ula soo gaadhaan.

Waxaa la sheegayaa in Itoobiya noqotay dowlada ugu horeeysa ee ka soo jawaabtay dhawaaqooda, maadaamoo itoobiya ku dhaanteeynayso…” meel aan rabay roob ma iigu da’ay…”

Wixii ware ka soo kordha mar kale iyo badbaado Qaran Part 2 ama “…Unugaa leh Part 2” haka fogaan

Codka Shacabka Somaliland.

Barakow Beelow Bulooow
Villa Hargeysa & Villa Somalia Dhexdeedo
SomalilandVoice.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *