March 26, 2025

Ilhan Omar oo laga masaafurin doono Mareykanka dhawaan…

0

Waxaa jira warar sheegaya in xildhibaanad Ilhan Omar laga masaafurin doono Mareykanka dhawaan, iyadoo qaar ka mid ah xisbiga Jamhuurigu ay ku cadaadinayaan Madaxweyne Donald Trump inuu dib ugu celiyo Soomaaliya.

Xildhibaan Brandon Gill, oo ka tirsan xisbiga Jamhuuriga ee gobolka Texas, ayaa bilaabay olole lacag ururin ah oo uu ku dalbanayo masaafurinta Ilhan Omar, isagoo ku eedeeyay inay ka beensheegtay sifooyinkay sharcga ku qaadatay. Xildhibaankani waxa kaluu ku eedeeyey xildhibaanad ilhaaan inaanay daacad u ahayn maraykanka iyo dadkiisa taa cakiskeedana ay marwalba duudka saarato dadkan bilaa sharciga ahe dhex yuurura gobolka laga soo doorto.

Ilhan Omar, oo noqotay muwaadinad Mareykan ah sanadkii 2000, ayaa laga soo qaaday xerada qaxootiga ee kaakuma sanadkii 1995. Waxay ku tilmaantay hadallada Gill inay yihiin kuwo cunsurinimo iyo faashiisnimo ah, waxaana hadaladeeda ka mid ahaa “waa wax laga xumaado in xubnaha xisbiga Jamhuuriga ay maanta bilaabaan ololha musaafurintayda iyagoo iga sheeganaya maraykanka aan anba dhalashadiisa haysto…”

Dhanka kale, Madaxweyne Trump ayaa u muuqda nin ku geeraaraya ‘ meel aan rabay roob ma iigu da’ay’. Doorkii hore markuu kursigan ka dhookeysnaa ayay ahayd markay Ilhaan ku noqotau laf dhuungashay, haseyeshee maantaa loo yaabaa Ilhaan.

Si kastaba ha ahaatee, musaafurinta ilhaan ayaa laga yaabaa inay u dhaanto waxa soo socdeeey ku wejihi lahayd golaha barlamaqnka maalmaha soo socda,

Maalmaha soo socda ayaa la filayaa in lagu falanqeeyo qadiyada gooni isutaaga Jamhuuriyada Somaliland, taasoo waxwalba kaga xanuun badnaan lahayd xldhibaanada.

SomalilandVOICE.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *