“Abkey Libaax Koroow, Sac & Dameer maas u daahaa” Muj. Muuse Biixi Cabdi
Hadalkaa sare wuxuu ka mid ahaa wacdarihii iyo gantaalihiii u Madaxweyne Biixi u ganay xagaa iyo cadowga isu soo bahaystay waxyeelada iyo xagal daacinta Jamhuuriyada Barakaysan.
Madaxweynaha Jamhuuriyada Dimuqraadiga ee Somaliland Mudane Mujaahid Muuse Biixi Cabdi, isagoo dhex mushaaxaya caasimada Hargeysa,, sidii u caadada ahayd Madaxweynayaasha Somaliland inay shacabkood is xogwaraystaan, ayuu wuxuu udiray fariin cad oo aan gabasho lahayn dhamaan habar-dugaagta isu soo bahaystay qaska iyo qalalaasaha Jamhuuriyada Barakaysan.
Wuxuu si toosa oo aan gabasho lahayn ugu sheegay inuu dhamaantood cagta wada marin doono, isagoo fariintiisaana ka soo diraya mar uu fuushanaa dusha sare ee boqorka kaymaha ama habar dugaag oo dhan waa Mr Libaaxe…Hakuna Matata…….
SomalilandVoice.com