Canada oo Liiskeeda Madow gelisay Ururka Alshabaab
"il'gaara ayaanu ku haynaa ALSHABAAB ....Waxaanu rumaysanahay inay halkan joogaan(Canada), taasina waa cadahay." sidaa waxaa yidhi wasiirka nabadgelyada Canada Mr. Vic Toews.
Dowladda Canada ayaa shalay sheegtay in ay Kooxda Alshabaab gelisay waxa ay ugu yeedhay Liiska Madow ee Argagixisada.
Sharcigan cusub ee Kanada ka soo saartay Ururka Alshabaab, wuxuu awood buuxda u siinaya dowlada kanada inay kala wareegto wixii hanti iyo lacagba ah ee ay ku tuhmaan Ururka Alshabaab iyo dadka ay uga shakiyaan ee ku nool Kanada.
Waxuu kaloo sahlayaa sharcigan cusubi inay dacwado iyo ciqaabo ka dhan ah ku soo oogto wixii la shaqeeya amaba looga shakiyo inay ku lug leeyihiin Ururka Alshabaab.
" Waxa keliya ee aan odhankaraa ilgaara ayaanu ku haynaa ururkan." sidaa waxaa yidhi wasiirka nabadgelyada canada Mr. Vic Toews. Wuxuu kaloo yidhi kama hadli karo hawlaha Boolisku wadaan ee soo socda. Laakiin " Waxaanu rumaysanahay inay halkan joogaan(Canada), taasina waa cadahay."
Bilihii lasoo dhaafay ayaa la sheegay in dhowr dhalinyaro somali ah oo dhamaantood wada haystay dhalashada Canada ay u safreen somaliya kuna biireen ururkan xagjirka ah ee alshabaab.
Todobaadkii la soo dhaafay ayey dowlada Ingiriisku ku dartay Alshabaab liiskeeda Argagixisada, taasoo daba socotay dalalka Australia iyo Maraykanka oo iyagu hore ugu daray.
Mr Toews wuxuu sheegay in Kanada ay talaabada dib uga dhacday laakiib buu yidhi dowladu waxay ka baaraandegaysay cadeeymaha ah in ururkani ka jiro dalka intaanay ku darin liiskan.
Ururkii ugu danbeeyey ee sidanoo kale liiska madow ee argagixisada kanada ku dartaa wuxuu ahaa ururkii loo yaqaanay Tamil Tigers ee jabhada Sirilaanka, Wax yar ka dibna, Ciidanka Boolisku wuxuu la wareegay daarihii iyo lacagtii ururkaasi iyo cidwaloo lug ku lahayd.
Mr Toews wuxuu marlbaad ku celiyey inaanu ka hadli karin talaabooyinka ay boolisku ku hawlan yihiin ee ay ku qaadayaan alshabaab. Laakiin buu yidhi " waxaan ogahay in boolisku u ruqaansan doonaan meeshay cadeeymo rasmiya ka haystaan uun."
Arrintan ayaa welwel iyo walaac hor leh ku abuurtay qaxootiga Somaliyeed ee ku nool dalka kanada. Khaasatan, kuwa ku nool magaalooyinka waawayn ee meheradaha kala duwan ku leh ayaa iyagu cabsi wayn ka mujinaya sida ay hawlgalkan u fulindoonaan Booliska iyagoo kala saaraya danbiilayaasha iyo kuwa aan waxba galabsan.
SomalilandVoice.com
Vancouver Island, BC.







