Tuesday, September 07, 2010
   
Text Size

Af-Ingiriisku Waa Xaaraan!!

alshabaabopUrurka Alshabaab ee ka dagaalamaya Somaliya khaasatan kuwa saldhiga ku leh degmada Afmadow ee gobolka Jubada Dhexe ayaa soo saaray wareegto ay ku xaaraantimeynayaan in iskuulada lagu dhigo luqada Ingiriiska iyo maadooyinka Sayniska.

Iskuulada degaanadaas ee lagu baranjiray luqada Ingiriiska iyo Sayniska ayaa loo qabtay mudo bil ah inay manhajkooda u bedelaan Carabi iyo Diin.

"Waxay na weydiiyeen in ciyaal iskuulku kusoo biiraan malayshiyadooda oo ay ka barbar dagaalamaan waanuse ka diidnay" sidaa waxaa yidhi mid ka mid ah maamulayaasha iskuuladaas.

Odayaaasha dhaqanka ee degaanadaas ayaa iyaguna sheegay in maleeyshiyada Alshabaab ay albaabada isugu dhufteen iskuuladii ku yaalay degmooyinka Waamo iyo Dhoobaale kuna amreen joojinta barashada Luuqada Ingiriiska.

"Maamulka Alshabaab waxaa ay xireen goobahii waxbarashada, waxaanay ku amreen in ay joojiyaan barashada luuqadda Ingiriiska oo ay sheegeen in ay tahay luuqadda shayaadiinta Reer Galbeedka oo denbi ah, dadka bartaana waxay basaasiin u noqonayaan shayaadiinta reer galbeedka" ayuu yidhi Cali Mowliid Maxamuud oo ka mid ah Odayaasha Afmadow.

Amaradan iyo Xaaraantimeeytan Alshabaab soo saartay ayaan waxba ka duwanayn kuwii hore ay u soosaartay ee ay ka mid ahaayeen:-

1. Xaraamaynta Xidhashada Keenshaliyada.
2. Ilkaha Dahabka ah
3. Iyo weliba midabada kala duwan ee sharaabaadada ay xidhanayaan dumarka somaliyeed, si loo kala garto gabadha la qabo iyo ta aan la qabin!

SomalilandVoice.com
Afmadow, Somaliya

Add comment

Security code
Refresh